Talaado Oct 25 (radiowanlaweyn.com)— Dabley hubeysan ayaa weerartay xarun lagu tababaro Booliska oo ku taal magaalada Quetta ee Koofur galbeed dalka Pakistan.

Saddex nin oo xirnaa jaakadaha qarxa ayaa gudaha u galay xarunta kuleejada ciidanka booliska, halkaasoo ay dad maxaabiis ahaan ugu qabsadeen.

Illaa 58 ruux ayaa weerarka lagu dilay, halka tiro kalena lagu dhaawacay, xaruntan tababarka booliska oo la weeraray xilli habeenimo ah.

Wararka ayaa sheegaya in dableydan ay markii hore weerarka ka bilaabeen qeybta Jiifka ee xarunta tababarka booliska.

Howl gal ballaaran oo saacado qaatay ayaa ka dhacay xarunta la weeraray, kaddib markii ciidamada ammaanka ay hareereeyeen, isla markaana dilay dhamaan dableydii hubeysnaa.

Boqolaal ka mid ahaa dhalinyaradii la tababarayay ee ku jiray xarunta kuleejada booliska ayaa la soo bad baadiyay

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay weerarka, waxaana magaalada Quetta dhowrkii sano ee u dambeeyay ka dhacayay weeraro ay qaadayeen xooggag hubeysan oo ka tirsan Ururada Islaamiga ah.

Xarunta lagu tababaro Booliska ayaa waxaa hoy u aheyd illaa 600 arday oo ku guda jiray tababarka ciidanimo

W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com