Talaado Oct 25 (radiowanlaweyn.com)—Koobka Janeraal Daa’uud ayaa waxaa isugu soo haray afar kooxood oo si weyn u xifaaltama markii loo fiiriyo sida macquulka ah oo ay isugu arki karaan Finalka koobkan.

Koobkan ayaa waxaa isugu soo haray kooxaha Horseed, Banaadir, Jeenyo iyo Heegan oo ah afar kooxood oo loo riyaaqay qaab ciyaareedkooda.

Horseed ayaa wajaheysa Jeenyo  halka Heegan ay la ciyaari doonto naadiga Banaadir .

Xiisaha Finalka iyo Wajiga uu yeelan karro

Banaadir S.Club oo ka dhisan Warta Nabadda iyo Jeenyo oo iyadana ka dhisan isla degmadaas ayaa macquul ah in ay isku arkaan Finalka koobka Janeraal Daa’uud.

Qaab nuucee ah ayee isku arki karaan

Haddii ay BSC iyo Jeenyo ay kasoo kala adkaadaanHeegan iyo Horseed waxa uu finalka noqon doonaa mid aad u xiiso badan oo waxaana  wada ciyaaraya kooxaha xifaaltama ee ka dhisan Warta Nabadda, waana  kulankii loogu magac daray Derby Warta Nabadda.

Natiijada sawirka Banaadir iyo Jeenyo

Xiisaha kale ee uu yeelan karo Finalka

kooxaha ciidanka Booliska iyo Millitariga ee Heegan iyo Horseed ayaa haddii ay ka badiyaan Banaadir iyo Jeenyo waxa uu Finalka isna noqon doonaa mid adag oo waxaa is arkaya Heegan iyo Horseed, waxaana  kullankaas Gool FM ay ugu magac dartay Kulankii Qaranka, mahadaama labada kooxood ay kala yihiin Kooxda Booliska iyo naadiga Millitariga.

Natiijada sawirka horseed iyo heegan

Waxaa macquul ah in Finalka uu waji kale yeesho mahadaama ay kubaddo tahay cad iyo madoow, balse Finalka Janeraal Daa’uud ayaa xiisahiisa ah in uu noqdo, Kulanka Qaranka, Heegan Vs Horseed ama Derby Warta Nabadda, Jeenyo Vs Banaadir, waxaana afartaasi kooxood ay yihiin afar naadi oo si weyn u xifaaltama.

 W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com