Talaado. Oct 25 (radiowanlaweyn.com)— Weerar qaraxyo ku bilowday ayaa xalay saqdii dhexe laga maqlay magaalada Mandhera ee gobolka waqooyi bari Kenya, kaasoo lagu dilay illaa afar ruux, halka afar kalena ku dhaawacmeen.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxyadan oo ahaa illaa shan qarax ayaa lagu weeraray guryo ay degenaayeen dad aan u dhalan magaalada Mandhera oo ahaa Kenyanka ka yimid deegaano kale.

 

Mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka ayaa sheegay in koox dabley ah ay guryahooda ku soo weerartay qaraxyo iyo rasaas.

Howl gallo ballaaran ayaa saaka ka socda xaafada magaalada Mandhera, iyadoo hakad ay ku jiraan isu socodka dadka iyo ganacsiga.

Booliska Mandhera ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in weerarkan ka dambeeyaan Al-Shabaab oo dhowr jeer oo hore weeraro dad badan lagu dilay ka geystan.

W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com