Talaado Oct 25 (radiowanlaweyn.com)— Tababare Jose Mourinho ayaa ku dooday in uusan diiradda si xooggan u saareyn kulanka wareegga 16-aad ee League Cup-ka ee ay arbacada ku marti gilinayaan kooxda Man City

” Waa League Cup-ka , haddii aan runta sheego waa horyaalka ugu qiimo yar horyaalada kale”.” Waxaan dooneynaa in aan ku guuleysanno kulankans , koobkaas sedex jeer hore ayaan qaaday marka wel wel gooni ah iguma haynayo, balse kulankaas si kale oo gaar ah ayaan diiradda u saarayaa” ayuu sii raaciyay macallin Jose Mourinho.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli United kulankoodii ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska ee axada ay guul darro culus oo afar gool ah kala soo kulmeen kooxda Chelsea oo wareegga 9-aad ee horyaalkaas ku marti gilisay

W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com