Talaado Oct 25 (radiowanlaweyn.com)—Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta kormeeray mashruuca farsamada gacanta ee Gobolka Banaadir oo in ka badan 180 dhalinyaro ah ay ku baranayaan farsamada gacanta oo noocyo kala duwan leh.

“Waxaan u mahadcelinayaa Dhalinyarada iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka howlgalay sidii dhalinyaro gaareysa 180 loo siin lahaa fursadan oo ay ku baranayaan farsamada gacanta si ay ugu noqoto shaqo abuur iyo curin fikirad ganacsi oo bulshada wax u tarta.” Ayuu yiri Madaxweynaha

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ahmiyad gaar ah siisay sidii dhalinyarada shaqo loogu abuuri lahaa, ayna u heli lahaayeen fursado shaqo, iyadoo Dowladdu ay abuurtay jawi xasiloon oo ganacsigu ku horumari karo, isla markaasna fursad u siinaya dhalinyarada inay wax ku bartaan oo ay horumarka ganacsiga yar yar kaalin mug leh ka qaataan.

“Barnaamijkan Farsamada gacanta iyo kuwa la midka ah waa fursad qaali ah oo la doonayo in dhalinyarada ay ka faa’iideystaan si ay u noqdaan kuwo shaqo abuuran kara, kuwo u shaqeyn kara shirkadaha iyo hay’adaha dowladda, isla markaana soo saaran kara nolol maalmeedkooda. Waddan walba waxuu ku horumaraa sida ay dhalintooda wax u bartaan, una shaqeystaan oo ay u gaaraan heer isku filnaasho ah. Mudadii 4ta sano aheyd waxaan dhidibada u aasaasnay hay’adihii dowliga ahaa, sidoo kale waxaan abuurnay jawi ganacsiga ku horumaro.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo firfircoon oo diyaar u ah ka qeybqaadashada horumarka dalka ka jira.

“Shaki iigama jiro in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dheer hal-abuurka oo markaad dhameysataan waxbarashadan farsamada gacanta waxaan hubaa inaad la iman doontaan fikrado cusub oo aad ku kobcin doontaan ganacsiga dalka oo aad furan doontaa shirkado iyo ganacsiyo yar-yar.” Ayuu yiri Madaxweynahu

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii sheegay in Soomaalidu ay caan ku yihiin adkeysiga iyo hal-abuurka ganacsiga, isla markaasna kula dardaarmay ganacsatada iyo qurbojoogta inay dalkooda maalgeshi ku sameeyaan si dhalinyarada loo siiyo fursado shaqo abuur ah si ay kaalin mug leh uga qaataan koboca dhaqaalaha dalka si aan u gaarno isku filaansho dhan walba ah.

W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com