Talaado Oct 25 (radiowanlaweyn.com)—Waxaa lugu dhawaaqay abaalmarinadii la kala helay xilli ciyaareedkii hore horyaalka xiisaha badan ee La Liga, waxana la ogaaday xiddigii ugu fiicnaa, Gooldhaliyihii ugu fiicnaa, xiddigii aduunka ee Spoain, kooxdii ugu fiicnaynd iyo weliba abaalmarino kale.

Maamulka horyaalka Spain ee La Ligaha ayaa xaflad wayn u qabtay abaal marinaha xili ciyaareedkii 2015/16 ee horyaalada heerarka kala duwan ee kubbada cagta Spain. Waxaana xafladan lagu bixiyay abaal marino tiro badan oo iskugu jira heerarka kala duwan ee horyaalada Spain.

godin
Daafaca aan jixin-jixixn ee kooxda Komaandooska Madrid ee Ateltico Madrid ee Diego Godin ayaa loo doortay daafacii ugu fiicnaa horyaalka La Ligaha ee xili ciyaareedkii hore. Kooxda Ateltico Madrid oo difaaceeda hogaaminayo Godin ayaa noqoday kooxda Yurub oo dhan ugu difaaca fiican iyada oo kooxaha waa wayn ee Yurub ay ka qayliyeen difaaca birta ah ee kooxda Simeone.

Daafaca reer Uruguey bandhigii uu sameeyey xili ciyaareedkii hore ayaa kacaawisay in uu doortay difaacii La Ligaha ugu fiicnaa 2015/16.

simieone
Tababaraha xamaasada badan ee kooxda Atletico Madrid ninka lugu magacaabo Diego Simeone ayaa ku guulaystay tababarihii xili ciyaareedkii hore La Ligaha ugu fiicnaa,dorkiisii tababaranimo ayaa Atletico Madrid ka dhigay in ay la loolanto kooxaha aduunka ugu waa wayn ee Barcelona iyo Real Madrid.

oplak
Goolhayaha kooxda Atletico Madrid ninka lugu magacaabo Jan Oblak ayaa loo doortay goolhayihii ugu fiicnaa La Liga, waxana uu wacdaro ka dhigay La Ligaha isaga oo ka mid noqday goolhayayaasha Yurub ugu fiican.23 jirkan ayaa daqiiqad kasta oo ka mid ahayd xili ciyaareedkii hore ka soo muuqday shaxda Deigo Simeone isaga oo 82 badbaadinood ku sameeyay 3,420 daqiiqo oo uu ciyaaray.

Wiilka lugu naanayso “dhiciska lugaha wayn” ee Luka Modric ayaa ku guulaystay abaal marinta xidigii khadka dhexe ee xili ciyaareedkii hore ugu fiicnaa La Ligaha. laacibka heerka caalami ee xulka Croatia Modric ayaa door wayn ku lahaa in kooxda Zidane ay xili ciyaareedkii hore ugu dhawaatay inay ku guulaysato koobka La Ligaha isaga oo 32 kulan ka soo muuqday Los Blancos ee kulamadii La Ligaha.

luis-suarez
Dhanka kale weeraryahanka mucjisada ka dhigay La Liga xilli ciyaareedkii hore ee Luis Suarez ayaa ku guulaystay abaal marinta xidiga aduunka ee La Ligaha xili ciyaareedkii hore ugu fiicnaa. Suarez ayaa loogu codeeyay xidigii aan Yurub ka soo jeedin ee LaLiga World Player 2015/16. waxana uu xili ciyaareedkii hore La Ligaha ku soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii abid ugu fiicnaa

Waxaa xusid mudan inuu Barcelona u saftay 35 kulan oo La Ligaha ah isaga oo garoonka ku jiray 3,150 daqiiqo wuxuuna muddadan ku dhaliyay 40 gool oo horyaalka La Ligaha ah.

messi
Sixiroolaha kooxda Barcelona ee sanadkaan kaba sii daray ee Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaal marinta gool dhaliyihii xili ciyaareedkii hore ee 2015/16 ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La ligaha isaga oo waliba abaal marintan difaacday. ninka caalamka oo dhan ka yaaban yihiin ee Messi ayaa loo doortay inuu ahaa gool dhaliyihii ugu fiicnaa xili ciyaareedkii hore kadib markii uu 26 gool ka dhaliyay 33 kulan oo uu ka soo muuqday kulmadii La Ligaha.

griezman
Ugu dambayn dhiciska Komaandooska Madrid ee Atletico Madrid wiilka lugu magacaabo Antoine Griezmann ayaa xidigaha aduunka ugu fiican ee horyaalka Spain ku garaacay abaal marinta ciyaartoygii ugu fiicnaa horyaalka Spain ee La Ligaha ee xili ciyaareedkii 2015/16. Wiilka reer France ee Antoine Griezmann ayaa kooxdiisa Atletico Madrid xili ciyaareedkii hore u saftay 38 kii kulan ee uu xili ciyaareedka La Liga-hu ka koobnaa wuxuuna kulamadan ku dhaliyay 22 gool isaga oo sidoo kale sameeyay 5 gool caawineed.

W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com