Talaado Oct 25 (radiowanlaweyn.com)—Xidiga Weerarka uga halgama kooxda Liverpool ninka lagu magacaabo Danny Ings ayaa diyaar ah haatan inuu safto kadib dhaawac culus oo uu mudo uga maqnaa garoomada kubada cagta.

Dhanka kale Liverpool ayaa dib u heshay adeega werraryahankooda iyagoo ku xoojin doona safkooda weerarka iyada oo loo maleyn in Daniel strudge  sii muuq beelayo.

xamaasadlaha jarmalka ee hogaaminaya Reds ayaa kala doorasho fiican u haysta safka weerarkiisa kulanka EFL Cup-ka,  kaasi oo ay geesaha isla galayaan kooxda baaruuda tufaysa ee Totenham Hotspur.

“Waa wax wanaagsan”, ayuu yiri Klopp. “Hadi aan xaasaasiyad yar leeyahay waxaan dhihi lahaa taasi waa shaqadiisa waana inuu qabsado Lkn waan dareensanahay waana ogsoonahay inaysan hawsha fududeyn. wuxuu xaalada u abaaraa sida ugu wanagsan lkn waa wax uu isaga leeyahay.

Masuulka oo hadalkisa sii wata ayaa yiri, “Wuxuu dhaawacnaa mudo dheer lkn hada waa soo laabtay. markaad fiiriso siduu u fikirayo, wax kasta wanaag ayuu ku dhameysan”

24 jirkan afka hore ka dheela ayaa tartan adag la gali doona dhigiisa Sadio Mane oo qaab ciyaareed cajiib soo bandhigay dhawaan lkn Klopp ayaa sheegay inuu ninkani qeyb libaax leh ka qaadan doono guulihiisa isdaba jooga ah.

W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com