Talaado Oct 25 (radiowanlaweyn.com)—Jabhada Klopp ee Reds ayaa caawa diyaar u ah inay garoonkooda kusoo dhoweeyaan kooxda Tottenham kulan xiiso badan oo ka tirsan koobka EFL.
Klopp ayaa dib ugu yeeran doona goolhaye Simon Mignolet kaas oo booska kala bixi doona Loris Karius oo dhowaanahaan dooqa kowaad ku jiray.

Xiddiga weerarka Reds ee Danny Ings oo keliya saftay 26- daqiiqo xilli ciyaareedkaan kulamada Liverpool ayaa la filayaa inuu kulankaan kasoo muuqdo oo uu kooxda kowaad kusoo biloowdo, iyadoo ay xusid mudan inuu afar ciyaarood afar gool ku dhaliyey kulamadii uu u saftay kooxda Liverpool ee da’doodu ka hoosayso 20-ka sano.

Macalinka Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa caawa nasin doona goolhayihiisa shabeelka ah ee Hugo Lloris, waxayna la micno tahay in Michel Vorm uu goosha xalaalaysan doono.

liverpool-vs-tottenham
Wiilka lacagaha badan xagaagii kooxda ugu yimid ee Sissoko ayeey u bilaaban doonta sadex kulan oo ganaax ah oo ay kusoo rogeen xiriirka kubadda cagta England ee FA kaas oo ku saabsan dhaqan rabashado oo uu sameeyey.

Kulanka: Liverpool Vs Tottenham.

Tartanka: League Cup ama wareega afaraad ee EFL.

Garoonka: Anfiedl Road.

Saacada Geeska Africa: 21:45 ama 9:45 fiidnimo.

Halka Aad Ka Daawan Karto Iyadoo Carabi Ah: Being Sports One, waxaana Tacliiqiye ama Wariye ka noqon doona Cali Saciid Kacbi. “

Xogta Kulanka.

*Guusha keliya ee Liverpool ka gaartay Tottenham tartanka League Cup ayaa timid 34 sano ka hor, tan iyo 1982 halmar ayeey ka badiyeen,

Kooxda.com ayaana xusaysa in afar jeer Reds la garaacay labo jeerna barbaro galeen ilaa waqtigaas, iyadoo December 2004 rigoorayaal tartankaan looga reebay.

*Kulankaan ayuu u dhaxeeyaa labada kooxood ee koobkaan laga qaaday labadii sano ee ugu dambeeyey, 2015 Tottenham ayaa laga dafay oo Chelsea ayaa ka xoogtay, halka 2016 Man City rigoorayaal uga awood sheegatay kooxdii Klopp ee Reds.

*Tartamada oo dhan Tottenaham ayaa guul ka gaarin Liverpool sideedii kulan ee ugu dambeeyey. iyadoo shan jeer beerka looga dhacay, halka sadex jeer inta xiniiyo is geliyeen barbaro ka ciririsadeen Liverpool.

W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com