Talaado Oct 25 (radiowanlaweyn.com)—Kooxda Arsenal ayaa markale dib ugu soo laaban doonta garoonkeeda quruxda badan ee Emirates Stadium oo ay ku ciyaari doonto kulankii afaraad oo xiriir ah tartamada oo dhan, waxayna caawa kusoo dhowayn doonaan kooxda Reading kulan ka tirsan League Cup.

Arsenal kulankii ugu dambeeyey ee koobkaan la ciyaartay kooxdaan ku badisay 7:5. Reading oo qaybta hore afar gool loo hormartay ayaa sidaas loo xasuuqay, waxaana loo aqoonsaday kulankii ugu waynaa taariiqda ee koox dib ugu soo laabato iyadoo afar gool lugu leeyahay oo 7-gool u badiso. “Best Come Back Ever”

Arsenal's Moroccan striker Marouane Chamakh (2nd R) celebrates with team-mates after scoring their fifth goal during extra time during extra time in the English League Cup Fourth Round football match between Reading and Arsenal at The Madejski Stadium, in Reading, England on October 30, 2012. Arsenal won the game 7-5 after extra time. AFP PHOTO/BEN STANSALL RESTRICTED TO EDITORIAL USE. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or “live” services. Online in-match use limited to 45 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications

Arsen Wenger ayaa nasin doona kibaartiisa waa wayn, waxana uu boos siin doona da’a yar ay ugu horeeyaan Ainsley Maitland-Niles, Rob Holding, Jeff Reine-Adelaide iyo Chuba Akpom kuwaas oo saftay kulankii ugu dambeeyey ee ay 4:0 ku xasuuqeen kooxda Nottingham Forest.

Weeraryahanka kulankaas labada gool dhaliyey ee Lucas Perez ayaan shaki ku jirin inuu kulankaan kusoo bilaaban doono, labo gool uu ku caawiyey in Ozil sadexleey dhaliyo iyo iyo inuu wacdaro dhigay kulankii ugu dambaysay ayaa keenaysa in Wenger wiilkaan ku daro jabhadiisa xoriyo doonka xilli ciyaareedkaan ee Premier League iyo koobab-ka kale.

Weeraryahanka lugu fahmay xilli ciyaareedkaan ee Olivier Giroud ayaa kooxda kulankaan safanaysa dib loogu soo daray iyadoo Carl Jenkinson qarka u saaran yahay inuu kulankiisii ugu horeeyo safto tan iyo markii uu kooxda amaah ugu soo laabtay xilli ciyaareredkii hore.

Kulanka: Arsenal Vs Reading.

Tartanka: League Cup Ama EFL Wareegiisa afaraad.

Garoonka: Fly Emirates Stadium.

Saacada Geeska Africa: 21:45 ama 9:45 hadba sidaa u taqaan.

Iyadoo carabi ku baxaysa waxaad ka daawan kartaa: Being Sports Two, waxaana wariye ama Tacliiqiye ka noqon doona haduu alle Idmo Xafiid Daraji 

Xogta Kulankaan.

*Kulankii ugu dambeeyey ee labadaan kooxood ciyaaraan League Cup ayeey Arsenal ku badisay 7:5. Reading oo qaybta hore afar gool loo hormartay ayaa sidaas loo xasuuqay, waxaana loo aqoonsaday kulankii ugu waynaa taariiqda ee koox dib ugu soo laabato iyadoo afar gool lugu leeyahay oo 7-gool u badiso. “Best Come Back Ever”

*Reading ayaa guuldaraysatay 13-kii kulan ee ugu dambaysay ee ay wajahdo Arsenal dhamaan tartamada oo dhan.

*Gunners ayaa guuldaro la kulantay labadii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ciyaarto League Cup iyadoo Emirates joogta, laakiin weligeed sadex guuldaro oo isku xigta garoonkeeda kuma soo gaarin.

W\D. Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com