October 24 (radiowanlaweyn.com)— Guddiga Hirgelinta doorashooyinka dadban ayaa sheegay in la guda galay doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamaanka, iyadoo dhowaan la xareyn doono ergooyinka soo dooranaya Xildhibaanada Aqalka hoose.

Avv. Cumar Dhagey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay bilaabaan soo gudbinta liiska ergooyinka, isagoo ugu baaqay maamul goboleedyada kale inay soo dhameystiraan liisaska ku haray

“illaa iyo hada ergooyinka la xareeyay waxaa ugu horeeyay Maamulka Jubbaland oo soo dhameystiray 43 kursi ergooyinka, waxaa kaloo soo diyaariyay Maamulka Koofur Galbeed 57 kursi ergooyinkooda”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka.

Waxaa uu ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug inay soo dhameystiraan tirada guud ee laga rabo xareynta ergooyinka oo qeyb ka mid ah ay diyaariyeen

Avv, Cumar Dhagey ayaa sheegay inay rajo ka qabaan in doorashada Aqalka hoose ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, iyadoo shalay oo taariikhdu aheyd 23 October ay ka bilaabaneysay doorashada Aqalka hoose.

“Rajada aad bey u muuqataa, marka aad ka qiyaas qaadato doorashadii aqalka sare waqtigii loogu tala galay ayaa lagu soo doortay, mida Aqalka hoosena waxaa rajeyneynaa in waqtigeeda ay ku dhacdo”ayuu yiri Avv. Cumar Dhagey.

Doorashada Aqalka hoose ayaa qorshuhu yahay in lagu soo doorto 17 maalmood gudahood inta u dhaxeysa 23 October illaa 10 November.

W\Q.Xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com