Sabti Oct.22.2016 -(radiowanlaweyn.com)-Antonio Conte ayaan wali go’aan ka gaarin hadii ay ciyaari doonaan wiilasha reer Brazil Oscar Iyo Willian kuwaas oo fasax ay ku aadeen dalkooda Brazil kadib dib ugu soo laabtay kooxda, sababta safarkooda ayaana lagu sheegay iney tahay dhimasho ku timid xubno ka tirsan qoysaskooda.

Willian ayaa wali ka murugsan geeridii ku timid hooyadiis, halka Oscar uu isna ka naxsan yahay wali geeridii ku timid Awoowgiis.

“Willian wuxuu soo laabtay subanximadii khamiista, laba tababar ayuuna nala qaatay balse waxaa muhiim ah inaan tixgelino dhamaan dhinac walba oo ay xaaladu tahay”

“Waan la hadlay ciyaaryahanka kooxdana aad bey uga xun tahay wixii ku dhacay, sidoo kalana Oscar kaas oo isna dhimashada awoogiis Brazil ugu maqnaa”

“Waa inaan tixgelino dhamaan dhinacyada isla markaana aan qaadano go’aan sax ah. waxaan berito leenahay kulan waana arki doonaa. Waan taageeri doonaa dhamaan ciyaartoyda iyo qoysaskooda”

“Marka aad weyso hooyadaa, waa wax mar walba aad u adag” Ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Antonio Conte oo u muujiyay inuu ka xun yahay wixii qabsaday” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray

WD. xasan maxamed maxamuud (xasan hatrik)

Email.radiowanlaweyn@gmail.com