Taariikh:22-10-2016(radiowanlaweyn.com)

Khabiirada Sky Sports ayaa saadaal ka bixiyay kulanka adag ee la wada sugayo ee Axada Stamford Bridge ku dhexmaraya kooxaha Chelsea iyo Manchester United ee ka tirsan kulamada 9aad ee horyaalka Premier League.

Dhamaantood waxa ay guusha u saadaaliyeen kooxda martida loo yahay ee Chelsea, iyagoo ku kala duwan kaliya goolasha natiijada ay saadaaliyeen.

Daaficii hore ee Liverpool Phil Thompson ayaa saadaaliyay in Chelsea ay 2-1 ku badin doonto kulanka Stamford Bridge, waxaana uu saadaaliyay Diego Costa uu dhalin doono goolka furitaanka ciyaarta.

Xiddigii hore ee Scotland iyo Arsenal Charlie Nicholas ayaa isna guul 2-0 u saadaaliyay kooxda martida loo yahay ee Blues isagoo Diego Costa u saadaaliyay inuu dhalin doono goolka furitaanka ciyaarta.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Southampton Matt Le Tissier ayaa saadaaliyay in Chelsea ay 1-0 kaga badin doonto Man United, waxaana uu saadaaliyay in goolkaas uu dhalin doono Eden Hazard.

Xiddigii hore ee Arsenal Paul Merson ayaa isna saadaaliyay in Chelsea ay guul 1-0 ka gaari doonto dhigeeda Red Devils kulanka Axada, isagoo saadaaliyay in Diego Costa uu dhalin doono goolka guusha

WQ/maxamed shuutaale