October 22 (radiowanlaweyn.com)—Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu goor dhow ka bilowday iyadoo dagaalkaasna uu u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Dagaalkana ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan sida ay sheegayaan dadka ku nool magaalada Gaalkacyo.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan dib ugaga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo iyadoo labadii toddobaad ee la soo dhaafay uu dagaalku isaga soo dabanoqonayay.

Dagaalka magaalada Gaalkacyo ayaa salka ku haya dhismo dhinaca Galbeed ee magaalada laga dhisayo maxkjar iyadoo uu khilaaf ka jiro lahaanshaha dhulka la doonayay in maxjarka laga dhiso.

Ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com