October 19 (radiowanlaweyn.com)— Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha la doortay ee Maamulka cusub ee Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa markii ugu horeysay maanta ka ambabaxay Magaalada Jowhar, isagoo ku sii jeeda  Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Socdaalka Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle uu ku yimid magaalada Muqdisho ayaa salka ku heysa kulamo uu la qaadanayo Madaxda dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka, si uu uga gado qorshaha maamulkiisa curdunka ah.

“Maanta markii ugu horeysay ayaan ka ambabaxaya Jowhar waxan ku wajahanay caasiamda dalka halkaasi waxaan kula kulmi doona beesha caalamka, waxaan kale oo la tashi la sameyn doono bulshada labada gobol, waxaa bilowday halgankii hergalinta dowlad goboleedka”ayuu Wariyeyaasha u sheegay ka hor inta aanu ka soo ambabixin magaalada Jowhar.

Waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu la kulmo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud oo la rumeysan yahay inuu gacan ku lahaa doorashadii Madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa waxaa ka soo sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cosoble ayaa tilmaamy inuu u bilowday Halgan Hirgalinta Dowladnimada Hirshabeelle ayna la tashiyo Balaaran la sameyn doonaan dadka Hirshabeelle.

Maalintii isniinta ayay aheyd markii magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle,

labo-cali0labo-cali1labo-cali3

Ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com