Axad 16 Oct,-(radiowanlaweyn.com)-Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku baaqay in dadka ku nool Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo madax banaaneeyo aayahooda, si maamul ay raalli ka yihiin u dhistaan.

Amb. Maxamed Cali Ameeriko oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in aanay sax aheyn in dhismaha maamulka labada gobol loo maro si jujuub iyo khasab, isagoo soo dhoweeyay in maamul loo sameeyo labada gobol, balse marka hore la sameeyo dib u heshiisiin.

“Waxaa aaminsanahay in marka hore shacabka labada gobol si saraaxad leh ay u wada hadlaan, in dib u heshiisiin la sameeyo, kaddib maamul haloo sameeyo, laakiin sax ma ahan in jujuub iyo khasab loo maro maamul u sameynta labada Gobol”ayuu yiri Musharax Maxamed Cali Ameeriko oo u waramayay warbaahinta.

Sidoo kale Musharaxa ayaa ku baaqay in la dhageysto cabashada ka soo yeeraya beelaha labada gobol ka soo jeeda, isagoo tilmaamay in lagu xaliyo sulux sida uu yiri.

Waxaa uu ku booriyay in sameynta maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo maro, sida maamul goboleedyada kale loogu dhisay oo kale, waxaana uu ku baaqay in laga daayo fara gelinta.

“Waa fiican tahay in maamul loo sameeyo labada gobol, waa in sida maamul goboleedyada kale loo sameeyay loo maraa, waana in fara gelinta laga daayaa, waxaa hada maqleynaa in hebel isma sharaxi karo, waa in loo ogolaadaa inuu is sharaxo, kaddib lagu kala baxo codka, wixii uu helo ama uu waayo in meesha lagu arko, laakiin isma sharaxi kartid in la dhaho waa qalad”ayuu yiri Amb. Maxamed Cali Ameeriko.

Mar uu ka hadlayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacaya ayuu sheegay in aan loo baahneyn in mar kale dib u dhac ku yimaado, maadaama labo jeer oo hore dib u dhac ku yimaaday, waxaana uu xusay in shacabka Soomaaliyeed ay doonayaan is bedel inuu dhaco, isla markaana dowladda waqtigeeda dhamaaday ay ka rajeynayaan inay aanay dalka dib u celin oo doorashada ku dhacdo waqtigii loogu tala galay oo ah 30-November.

Dhinaca kale Musharaxa Madaxweynaha Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo inay dagaalka joojiyaan, isagoo si gaar ah maamulada Puntland iyo Galmudug ku booriyay inay heshiiyaan oo ay nabada qaataan, miiska wada hadalkana isugu yimaadaan, waxaana uu tilmaamay in sanadkan 2016 uu yahay sanadkii laga shaqeyn lahaa nabada.

Ugu danbeyntii Amb. Maxamed Cali Ameeriko oo horay u ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo lagu tilmaamo nin Nabadeed oo qunyar socod ah, isla markaana aan ku lug yeelan siyaasadihii is diidanaa ee dalka soo maray.

Ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn.com