Maraykanka oo gacanta ku dhigay Rag waxyelo ugeysan lahaa Soomaalida Dalkaas

0
176

Hay’adda Marekanka u qaabilsan sirdoonka ee FBI-da ayaa gacanta ku dhigay 3 Ruux, kuwaasi oo lagu eedeeyay in Qaraxyo ku beegsan rabeen Soomaalida ku dhaqan Gobolka Kansas ee Dalka Mareykanka.

Waaxda Cadaallada ee Dalka Mareykanka ayaa ku eedeysay 3-dan qofood oo lagu kala magacaabo Curtis Allen, Gavin Wright and Patrick Eugene Stein in ay damacsanaayeen weeraro ka dhan ah Soomaalida.

FBI-da Mareykanka ayaa sidoo kale ku eedeysan Raggan in ay qorsheenyeen diyaarinta Qaraxyo burbur xoogan ka dhalankara, kuwaasi oo lagu weerarayo goobo ay ku sugan yihiin Soomaalida ku dhawan Gobolka Kansas ee Dalka Mareykanka.

Weli lama shaacin sababta ka dambeyn in eedeysaneyaashan ay fuliyaan Weeraro ka dhan ah Soomaalida balse waxaa lala xiriirinaa in ay salka ku hayso midab takoor.

Sikastaba, Raggaan ayaa ka soo muuqan doona Maxkamada ku taalla Gobolka Kansas, si go’aan looga gaaro kiiska loo heysto oo la xiriira qorsheynta Weeraro ka dhan ah Soomaalida ku nool Gobolka Kansas ee Dalka Mareykanka.