Kenya oo Ciidamo dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya

0
218

Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamo badan ay geyn doonto Xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya si looga hortago weerarada Al Shabaab ay ku soo qaadaan gudaha dalka Kenya.

Taliyaha Ciidamada  Milatariga ee dalka Kenya General Samson Mwathethe ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad ah ay dhawaan u diri doonaan Xuduudaha Magaalooyinka Mandera iyo Lamu oo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay Al Shabaab  weerarada ku soo qaadaan.

Mr Mwathethe oo ka hadlay Munaasabad ka dhacaysay xarun Ciidamada badda Kenya ay ku leeyihiin Magaalo Xeebeedka Mombasa ayaa xusay in ay wadaan qorsho  Saldhiga Ciidamada Milateriga ah ay ka sameysanayaan xadka ay la wadaagaan Soomaaliya .

“Ciidamadeena Milatariga waxa ay sii wadi doonaan Taageerada ay siiyaan Ciidamada Booliska iyo Laamaha kale Ammaanka waxaan dhawaan Xuduudka Kenya iyo Soomaaliya u diri doonaan Ciidamo dheeraad ah si loo xaqiijiyo Ammaanka Xuduudaha”Sidaasi waxaa yiri Gen:Samsom Mwathethe Taliyaha Ciidamada Milateriga ee Kenya.

Wasiirka Difaaca ee Kenya Raychelle Omamo ayaa dhinaceeda sheegtay in Ciidamada  Kenya ay Al Shabaab ka xoreeyeen 20 Magaalo Afartii sano ee la soo dhaafay.

Waxayna intaasi ku dartay in Ciidamada Kenya ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab oo inta badan weeraro qorsheysan ku qaada gudaha waddanka