Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Gudoomiyaha Barlamaanka Maamulka Hir Shabelle oo Dhismihiisa uu Ka Soconayo Magaalada Jowhar ee Gobolka  Shabeelaha Dhexe ayaa Sheegay in Howsha Ugu Horeysa ee Gudoonka Barlamaanka uu Qabanayo ay tahay Diyaarinta Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Hir Shabelle isagoona Carabaka Ku adkeyay in Maalmaha Soo Aadan la Dhameystiro Doorashada Madaxtanimo ee Maamulkaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka ee Maamulka Hir Shabelle oo Maalin Ka Hor Lagu Doortay Magaalada Jowhar ayaa Sidoo Kale Beeniyey in Ciidamo Ka Tirsan Dowlada Soomaaliya ay La Wareegeen Hoolka uu Ka Soconayo Shirka Magaalada Jowhar .

Sheekh Cismaan  Barre Maxamed  ayaa wax kama jiraan ku timaamay in isaga uu Ku Yimid Qaab isdaba Marin ah isagoona Sheegay in aysan jirin Faragilin Dowlada Soomaaliya ay ku heyso Shirka Magaalada Jowhar.

Si Kasta gadoomiyaha Mamulka Hirshabeelle ayaa loodortay gadoomiyaha maamulkaasi, ayadoona lafilaayo in howlaha ugu horeyso uu qabandoono ay noqon doonta inuu wadahal lafuro beelaha kasoo jeeda gobalka Hiiraan oo hada aan ku qanac saneen qaabka maamulkan uu ku yimid.