Doorashada aqalka sare ee dalka oo ka bilabataya Cadaado

0
223

Xilli maanta Doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka billaabatay degmada Cadaado ee Xarunta  KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa durba isi soo taraya eedeymo loo jeedinayo hanaanka Doorashooyinkaas iyo weliba sida loo gudbiyay Liiska Musharrixiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka maamulkaas.

Doorashooyinkii Aqalka Sare ee maanta ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa xubnaha ku soo baxay waxaa ka mid ahaa Abshir Maxamed Axmed ( Abshir Bukhaari) oo helay 48 Cod kadib markii uu tartan adag la galay Xubnaha kala ah Axmed Kadiye Qor Qor  iyo Kamaal Guutaale.

Dhinaciisa Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa isna waxaa la sheegay in uu ka soo muuqan doono Xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug kadib markii uu tanaasualy Maxamed Xuseen Tahliil oo lagu waday in kursigaas ay ku wada Baratamaan.

Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada Galmudug oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Doorashooyinkaasi Aqalka Sare ee Galmudug uga soo galaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyagoo sheegay in hnaan Cadaalad ku dhisan ay u dhaceen Doorashooyinkaasi.

Galmudug ayaa ka mid ahayd Maamulladii dhawaan Guddiga Doorashooyinka Dadban ee dalka ay ku celiyeen Xubnaha ay u soo gudbisteen Aqalka Sare in ay u tartamaan, waxaana doorashooyinkeeda Aqalka Sare ay ku soo beegmeysaa iyadoo lagu sii siqayo Xilliga Doorashooyinka Madaxtinimo oo dalka  oo dhan looga diyaar garoobayo.