Banaanbax ballaaran oo maanta ka dhacay Galkacayo

0
182

Ayadoo ay weli kacsan tahay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ku dagaalamayeen Ciidamo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Shacabka ku nool Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay ka cabsi qabaan in dagaal uu mar kale dib uga Qarxo Magaalada Gaalkacyo.

Waxaana gebi ahaan u muuqda mid guul dareystay dadaaladii ay wadeen Waxgaradka iyo Culumaa’udiinka Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Waqooyiga  Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu soo warramayaa in uu ka soconayo dibadbax  aad u ballaaran oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Dibadbaxayaasha ayaa u muuqda kuwa ka soo horjeeday dadaalada uu Ra’iisul Wasaaruhu xal ugu raadinayo Xiisadda Gaalkacyo.