Madaxweyne Uhuru oo loogu baaqay in uu hubeeyo Ciidamada la Dagaalama Al shabaab

0
226

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta in ay kordhiyo Ciidamada Booliska ee ku sugan Xarumaha ku dhow Xaduudka, si looga hortago Weerarada Al Shabaab.

Mudaneyaashan oo booqasho ku tagay Degaanka Hamey oo dhawaan Weerar xoogan ay ku qaadeen Al Shabaab ayaa waxey sheegen in loo baahan yahay in Ciidamada la soo kordhinayo laguna qalabeeyo hub casri ah.

Xildhibaanadan oo shir jaraa’id ku qabtay Degaanka Hamey ayaa waxey sheegeen in Dagaal yahanada Al Shabaab in ay beegsanayaan Xarumaha Boolis ee ku yaalla Xadka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa u sheegay in dhaabatada ugu weyn ay ka cabanayaan ay tahay in aysan gurmad heleyn markii lagu soo weeraro Xarumaha Ciidan ay ku sugan yihiin.

Waxaa Saraakiishan ay sidoo kale tilmaameen in Al Shabaab ay heystaan hub ka wanaagsan midka aan kula dagaalameyno markii Weerar ay soo qaadaan Xarakada Al Shabaab.

Inta badan xarakada Al shabaab ayaa weeraro geysta dhimasho iyo dhaawac u geysta ciidamada Dalka Kenya.