Xiddigan kula guuleystay Germany koobka Aduunka Mustafi oo goor sii horeysay xagaagan 35 Milyan oo ginni ugu soo biiray kooxda Arsenal ayaa durba bilaabay inuu noqdo ciyaaryahan laf dhabar u ah kooxdaas tan iyo xilligaas

24 Sanno jirkan ayaa qeyb weyn ka qaatay guulaha kooxda Gunners ka waxa uuna booska daafaca kula midoobay Laurent Koscielny kaasoo sidoo kale laf dhabar u ah kooxda ka dhisan caasimada dalka Ingiriiska.

“Hadii aad la ciyaarto ciyaaryahan kubadda u fahmayo qaabka ka duwan sida aad adiga u dooneysidwey adkaan sidaad ula ciyaartid”,Mustafi ayaa sidaas u sheegay Arsenal Tv.

“Waxaan ku faraxsanahay inuu iga garab ciyaaro shaqsi aad ii fahmayo, balse kaliya ma’aha arinkan mid inaga dhaxeysa aniga iyo Lolo kaliya, waxaan u maleynayaa iney tahay mid wanaagsan hadii aad xirfadaada kubadeed heleysid shaqsi aad isfahmi kartaan”