October 12 (radiowanlaweyn.com)—Xildhibaanada baarlamaanka maamulka HirShabeele ayaa maanta dhageysanaya khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta afhayeenka baarlamaanka maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.

Xildhibaanada ayaa sida qorshaha uu yahay waxay maanta gelinka dambe ku xaroonayaan goobta loogu talo galay iney doorashada ka dhacdo oo ah hoolka dhismaha maamulka HirShabeele uu ka socdo.

Maxamed Yuusuf Colow oo kamid ah xildhibaanada HirShabeele oo Jowhar.com la hadlay ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in gelinka dambe ee maanta la xareeyo xildhibaanada.

Wuxuu tilmaamay in xildhibaanada ay dhageysan doonaan waxqabadka ay la imaanayaan musharixiinta baarlamaanka maamulka HirShabeele.

Kursiga Baarlamaanka maamulka HirShabeele ayaa la siiyay beesha Gaaljecel oo degta labada gobo lee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Jadwalka wasaarada arimaha gudaha u dajisay dhismaha maamulka HirShabeele ayaa dhigaya in maanta afhayeenka baarlamaanka la doorto balse ma aysan dhicin oo dib u dhac ayaa ku yimid.

Seddex maalin kadib ayaa la qorsheynayaa in doorashada madaxweynaha maamulkaasi ay ka dhacdaa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com