October 12 (radiowanlaweyn.com)—Maamulka Galmudug ayaa beeniyay eedeyn shalay kasoo yeertay maamulka Puntland oo aheyd in dowlada Soomaaliya ay door ku laheyd dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Maxamuud Guure Guuleed oo ah wasiir ku xigeenka Caddaalada Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in dowlada dhexe kaalin ku laheyd dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiir ku xigeenka wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya marnaba ineysan door ku laheyn dagaaladii dhacay, balse Puntland marar badan ay sheegtay in Alshabaab iyo Galmudug ay la dagaalantay.

Maxamuud Guure Guuleed, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Puntland ee ahaa in marba dhinac ay ku sheegto iney weerarkii Gaalkacyo ka dambeeyeen.

“Puntland sow tii horey u dhahday Galmudug iyo Al-shabaab baan la dagaalannay, haddana ma dowlada dhexe iyo Galmudug ayay la dagaalantay, waa marin habaabin shacabka ay ku sameyneyso, waana wax laga xumaado been abuurka intaa la eg”ayuu yiri wasiir ku xigeenka cadaaladda Galmudug.

Warsaxaafadeed shalay kaso baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dowlada dhexe iyo Galmudug oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen magaalada Gaalkacyo.

Ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com