????????????????????????????????????

October 11 (radiowanlaweyn.com)- Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya Jibriil Ibraahim Cabdulle oo shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa maanta kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaas.

Kulankan oo isugu jiray soo dhoweyn iyo taageerid ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha gobolka Bari, duqa magaalada Boosaaso, culumaa’udiin, ganacsato, Isimo, dhalinyaro iyo haween.

Qaar ka mid ah Waxgaradkii, culumaa’udiinkii iyo ganacsatadii ka hadashay kulanka ayaa soo dhoweeyay musharaxnimada Mr Jibriil, isla markaana uu yahay nin dhaliyaro aqoonyahan ah, isla markaana ay soo dhoweynayaan socdaalada uu ku marayo gobolada dalka.

Duqa magaalada Boosaaso Eng. Yaasiin Mire Dacar oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Musharraxa, waxaa uu tilmaamay inuu yahay nin u qalma xilkan, maadaama uu yahay nin dhalinyaro aqooyahan ah, isla markaana howlo badan ka soo qabtay dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa sheegay inay gacmo furan ku soo dhoweynayaan musharraxan, ayna rajeynayaan inuu alle ku guuleeyo xilka madaxtinimada Soomaaliya.

Musharraxa Madaxweynaha Jibriil Ibraahim Cabdulle oo gaba gabadii ka hadlay kulanka ayaa u mahad celiyay dadkii ku soo dhoweeyay magaalada, isagoo xusay inay muujineyso kulankan iyo soo dhoweyntan, soomaalinimo iyo wadaninimo.

Mr Jibriil ayaa sheegay in magaalada Boosaaso ay tahay magaalo ganacsi, isagoo balan qaaday hadii uu xilka Madaxweynaha ku guuleysto iyo hadii cid kale loo doorto inuu ka shaqeyn doono sidii horaanta sanadka 2017 loogu qaban lahaa magaalada Muqdisho shir ku saabsan maalgashiga iyo ganacsiga dib u abuurkiisa.

“Waxaa talooyin ku soo jeedin lahaa in hadii xilka la ii doorto ama cid loo doorto inaan ka shaqeeyo in magaalada Boosaaso lagu qabto horaanta sanadka 2017 shir looga hadlayo maalgashiga iy Ganacsiga, anigana xaqiijinaya oo imaanaya”ayuu yiri Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa horay booqasho ugu soo maray magaalooyinka Garowe iyo Qardho, waxaana lagu wadaa inuu booqdo meelo kale, si uu u xoojiyo ololihiisa doorashada, bulshadana ugu soo bandhig barnaamijkiisa siyaasadeed.

 

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Ismaaciilmire

Email.radiowanlaweyn@gmail.com