Isniin,10 Oct,2016-(radiowanlaweyn.com)-Madaxweynaha dalka Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa sheegay in lacagta uu ka helay abaalmarinta nabadda ee la siiyay uu ku caawinayo dhibanayaasha dagaalkii sokeeye.

Waxa uu abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah ku muteystay dadaalkiisa dhanka nabadda ee uu kula heshiiyay mucaaradka FARC.

Santos iyo hogaamiyaha FARC, oo loo yaqaano Timochenko, waxa ay wada sixiixdeen heshiis bishii la soo dhaafay.

U jeedada heshiiskaasi waxa uu ahaa mid lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo dalkaasi ka socday in kabadan 50 sano.

Laakiin, afti dadweyne ayaa codbixiyayaasha waxay ku diideen heshiiska nabadda.

Juan Manuel Santos, waxaa la filayaa in abaalmarinta uu ka helo 900 kun oo dollar.

Ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com