????????????????????????????????????

Talado 4 oct,2016-(radiowanlaweyn.com)-Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wada hadal gaar ah la yeeshay Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Ugaaska u jeediyey in uu u dhaga nuglaado halka ay Dowladda Soomaaliya haddii uu ku Guul dareysto aanay heli doonin waxa ay doonayaan.

Madaxweynuhu waxa uu Ugaas Xassan u sheegay in aanay jirin cid ka awood badan sidaas darteedna looga fadhiyo Ugaaska in uu qaato nabada iyo qorshaha ay Dowladdu wado si meesha looga saaro kala aragti duwanaanshaha taagan.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in madaxweyne Xassan Sheekh uu ku wargaliyey Ugaaska beesha Xawaadle in aanay waxba u qaban karin xubnaha Caalamka ka jooga soomaaliya, sidaas darteedna ay haboon tahay isagoo ah wiilkooda ay xal wada gaaraan.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in Ugaas Xassan Ugaas Khaliif uu diiday in uu qaato tallooyinka Madaxweyne Xassan Sheekh, waxaana taa badalkeeda uu Ugaaska ka dhawaajiyey in dagaanada hoostaga Gobolka Hiiraan laga hirgalin doonin maamulo taabacsan Dowladda Soomaaliya.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa ku goodiyey in uu hirgali doono rabitaanka shacabka Hiiraan, islamarkaana aanay waxba u dhibi doonin hadalada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com