Talado 4 Oct.2016-(radiowanlaweyn.com)-Maamulka degmada Afgooye ayaa amar ku bixiyay in hawada laga saaro idaacada kaliya ee ka dhisan degmada Afgoye ee gobolka Sh/hoose.

Radio Afgoye oo ah idaacad gaar loo leeyahay ayaa lagu amray in hawada ay ka baxdo iyadoo xarunta idaacada ay tageen ciidamo uu horkacayo Guddoomiyaha Degmada Afgooye C/naasir Caalim Ibraahim.

Guddoomiyaha degmada Afgoye ayaa ku eedeeyay idaacada Afgoye inay ka shaqeyso amni darro, hase yeeshee agaasimaha Radio Afgoye Maxamed Muuse ayaa beeniyay in idaacadu ay ka shaqeyso amni darrada balse ay tahay oo kaliya idaacad dhexdhexaad ah oo ka shaqeysa nabada.

Agaasimaha Radio Afgooye oo Maxamed Muuse oo ayaa intaa ku daray in ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ay xireen Idaacadda,waxaana uu xusay in aan loo sheegin waxa loo heysto iyo Sababta loo Xiray midna.

Maamulada degmooyinka dalka ayaa badanaa waxa ay xiraan idaacadaha ka howgala deegaankooda iyagoo isku dayaya in ay caburiyaan saxaafada.

Radio Afgoye ayaa ah idaacadii ugu horeysay ee laga hirgeliyo gobolka Sh/hoose waxana ay idaacadan tahay mid si aad ah loogaga dhagaysto deegaanada ku xeeran degmada Afgoye iyo magaalada Afgooyaba.

Ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com