October 2 (radiowanlaweyn.com)—Xildhibaan Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta gaartay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo ah magaalada ay ka soo jeedo xildhibaanadan.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Sh/dhexe Marwo Sacdiyo Maxamed Nuur iyo haween faro badan ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Jowhar xildhibaan Khadiijo iyagoo ruxayay caleemo qoyan iyo ubax.

Marwo Khadiijo Maxamed  Diiriye ayaa u mahadcelisay haweenkii soo dhoweeyay waxay hadal gaaban oo ay jeedisay sheegtay inay ku faraxsan tahay in markale ay dib ugu soo laabato magaalada ay ku dhalatay.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan imaado deegaan doorashadeydii waxaan ahay qof ka soo jeeda labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.”ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Waxaan ahay xildhibaanka kaliya ee  guriga uu ku dhashay ilmahana ku dhalay uu Jowhar ku yaala.Yaa Igu soo labeeya?”ayay tiri Marwo Khadijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibaanada Soomaaliyeed  horena u soo qabatay xilal kala duwan oo heer wasiir ah.

Marwo Khadiijo ayaa bilowday kulamo ay la yeelanayso qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan ururada haweenka ee gobolka Sh/dhexe

Booqashada Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ee magaalada Jowhar ayaa ku soo beegantay xilli uu ka socdo magaalada Jowhar shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Waxaa jirta cabsi ah in maamulka laga dhisayo labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan oo ah weli maamul aan la isku wada raacsanayn in haweenka aysan ka helin xubno muhiim.

Warar hoose oo ay heleyso radiowanlaweyn ayaa sheegaya in dhammaan beelaha xubnaha ka helay xildhibaanada maamulkan aysan dooneyn in kursiga ay dumar siiyaan. Mana jirto haatan cid u doodeysa in haweenka ay ka helaan kuraas baarlamaanka cusub ee la doonayo in loo sameeyo labada gobol Sh/dhexe iyo hiiraan.

khadijo-jowhar-1

khadijo-jowhar-4

khadijo-jowhar-5

khadijo-jowhar-6

jiijo

khadijo

ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn.com