October 2 (radiowanlaweyn.com)— Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta walaac ka muujiyay qoondada Haweenka 30% ee Baarlamaanka labada aqal laga siiyay, iyagoo ku tilmaamay qorshe ay wataan dad aan Diinta Islaamka lug ku laheyn.

Shir jaraa’id oo Culimada ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku sheegeen in Ragga iyo Haweenka ay si siman tartamaan Baarlamaanka, balse aanay cidna meel loogu xirin tiro gaar ah.

Afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in qoondada haweenka ee %30 Baarlamaanka laga siiyo ay tahay mid ay wataan reer galbeedka, isla markaana horu-dhac u ah dhalan-roga bulshada iyo bur burinta qoyska.

“Gaalada waxa aan wadankooda ka jirin ayay rabaan in wadankeena oo muslim ah inay dusha naga saaraan, waa dulmi iyo xaqdaro, ayaga wadankooda qoondo gaar ah ma u sameeyeen haweenka”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Bayaan Culimada soo saareen ayaa waxay ka digeen in laaluushka lagu bixiyo helista Xildhibaanimada, gaar ahaan iodayaasha dhaqanka iyo ergada soo dooraneysa xildhibaanada waxay ugu baaqeen inay soo doortaan dad ku mudan xilkaas oo Alle ka baqaya.

Beesha Caalamka ayaa horay ugu baaqday in Haweenka 30% laga siiyo kuraasta Baarlamaanka, isla markaana la xaqiijiyo xuquuqda haweenka ku leeyihiin matalaada xaga siyaasada.

ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com