September30 (radiowanlaweyn.com)—Taliska ciidamada Maraykanka ee Africom ayaa ku adkeystey in ay ku dileen dagaalyahano Alshabaab ah duleedka magaalada Gaalkacyo iyadoo dowlada Federalkana ay sheegtay in ciidamadaas ay ahaayeen ciidamada ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay waaxda gaashaandhigga Maraykanka captain Jeff Davis ayaa sheegay in duqeynta ay ka geysteen Gobolka Mudug ay ku dileen sagaal ka mid ah Al-shabaab,balse ay baarayaan wararka sheegaya in ciidamo Galmudug ah lagu dilay weerarkii ay ka qeybgaleen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in uu ku lug lahaa duqeyntii loo geystey saldhig ay ciidamada Galmudu ku lahaayeen duleedka magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Cali Baashi oo qoraal ka soo saaray weerarka ka dhacay deegaanka Jeexdin ayaa ku sheegay in weerarkan lagu diley ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dad rayid ah.

ismaaciilmire

Email. radiowanlaweyn@gmail.com