Isniin, September 26, 2016 (radiowanlaweyn.com) — Guddiga doorashada dadban ee Heer Federal ayaa dib u dhigay maanta ka hadalka Dib u dhaca Doorashada Sannadkan, arrintan ayaa timid kaddib markii guddigu uu baajiyay shir jaraa’id oo ay warbaahinta isugu yeereen, si ay uga hadlaan arrinta doorashada.

Xubnaha Guddiga, ayaa Gellinkii dambe ee Maanta isugu yeeray War-fidiyeenka si ay Shir jaraa’id ugu qabtaan, balse saacadihii u dambeeyay ay guddigu u sheegeen saaxafadda inay jiraan aqabado caqabado badan, sidaa darteena ay dib u dhigeen shirkooda jaraa’id.

Sidoo kale, Guddiga ayaa Suxufiyiinta ku War-geliyay inay Shirka jaraa’id Qaban doonaan Maalinta berri ah, kaasoo ay ku Faahfaahin doonaan dib u dhac la sheegayo in uu ku yimid xilligii doorashooyinku billaaban lahaayeen.

Dhanka kale, Waxaa jira isbedello jadwalka doorashada ah, inkastoo guddigu aysan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin isbedelka doorashada, balse wararka hoose ayaa ku warramaya in dib loo dhigayo doorashada madaxweynaha oo ay ahayd inay dhacdo 30-ka bisha Oktoobar ee sannadkan.

Warbixin ay maanta baahisay Wakaaladda Wararka Reuters ayay ku sheegeen in xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia oo Magaciisa Qariyay uu u sheegay in muddo laba bil ah dib loo dhigayo doorashooyinka Sannadkaan Dalka ka dhacaya, inkastoo aysan jirin ilo wareedyo kale oo arrintan xaqiijinaya.

“Ma jiraan doorashooyin billowday illaa hadda… Waayo waxaa taagan muran ku aadan soo xulista ergooyinka beelaha iyo Xildhibaannada Baarlmaanka cusub,” ayuu yiri xildhibaanka la hadlay Reuters oo dalbaday inaan magaciisa loo isticmaalin Warbaahinta.

Ugu dambeyntii, Doorashada ayaa laga cabsi qabaa inay dib u dhacdo markii labaad, iyadoo sida jawdalka ku qoran ay ahayd in doorashada Aqalka Hoose ay billaabato shalay oo ahayd 24-ka bishan September, balse aysan jirin wax dhacay.

ismaaciilmire

Email: radiowanlaweyn@gmail.com

Muqdisho, Soomaaliya