Jimco 23 sept (radiowanlaweyn.com)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jirta.

Sida ay qortay Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Madaxweynaha ayaa ka digay in dalka uu ka dhaco Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira si la mid Kacdoonkii lagu riday Dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii.

“Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah,hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo,marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino,waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Ma sheegin Wakaaladda SONNA hadalkan halka uu ka sheegay Madaxweynaha, hase ahaatee waa hadal xambaarsan quus siyaasadeed iyo culeys soo food-saaray, marka loo eego loolanka baaxada leh ee uu kala kulmayo Musharaxiinta qaar.

Xilligan lagu jiro kala guurka siyaasadeed waxaa hadalo is diidan ay ka soo kala yeerayeen Madaxda dowladda ee waqtigooda dhamaaday iyo Musharaxiinta, kuwaasoo loolankooda ku xoogeystay kasbashada shacabka.

Madaxweynaha ayaa maalmihii la soo dhaafay iska soo daba saarayay hadalo ka muuqday olole siyaasadeed, waxaana marar badan uu ka hadlay arrinta dacwadda Muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo loo arkayay mid Madaxweynuhu u isticmaalayo ololihiisa doorasho.

Hadalkan ay qortay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa ku soo beegamaya, iyadoo shalay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif oo shacabkii ugu faraha badnaa soo dhoweeyay, sidoo kale Musharaxa da’da yar ee waaya-jooga u soo ahaa marxaladihii isaga kala dambeeyay ee dalka soo marayay Jibriil Ibraahim Ibraahim Cabdulle ayaa isna todobaadkii hore dhoolatus siyaasadeed oo aan horay loo arkin sameeyay, markii kumanaan ruux oo taageerayaal ah ay ka qeyb galeen Munaasabadii uu ku shaacinayay Musharaxnimadiisa.

W\D. ismaaciilmire