September 23 (radiowanlaweyn.com)—Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hada u isticmaalaya Ololaha doorashada Madaxweyne difaacaya Badd Soomaaliya.
Dawlaa Soomaaliya waa in ay dib cagaheeda ugu istaageyso taas oo ah midda kala saari doonta Kenya iyo Soomaaliya,
Madaxda soomaaliyeed waxaa la gudboon inay Dadkooda mideeyaan.
Maxay sheegeen Qareemada Dawlada soomaaliya ?
Qareenada Dawlada Soomaaliya u doodaya ee dacwada xaduudaha bada ee Kenya iyo Soomaaliya. ayaa cadeeyey in heshiiskii is afgaradka ahaa ee MOU 2009 uusan wax xiriir ah la lahayn soodinta bada ee u dhaxeysa labada dal balse uu kaliya ku koobnaa in labada dal ay codsigooda u gudbin karaan guddiga UN-ka CLCS inta ka baxsan soodinta 200 mile ee wadan walba leeyahay.
Dawladihii Soomaaliya soo maray ayaa isaga mid ah inaysan marnaba gorgortan ka geli doonin xaduudihii horey u jiray ee dhanka bada u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya,
isla markaana ay ku kalsoontahay in dacwadan lagu xaliyo Maxkamada Caalamiga ICJ oo ah tan ugu sareysa caalamka ee xalisa murranka u dhaxeeya wadamada.
Haddaba waxan halkan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Bandhiga Kalsan TV oo si weyn loogu falanqeeyey Arrimaha Badda, waxa ka qeyb gelaya Siyaasiga ka faalooda Arrimaha Soomaaliya Maxamed Caalim