September 16 (radiowanlaweyn.com)—Wararka ka imanaya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan ay weerar ku qaadeen degmada Ceelwaaq kalana wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Gelinkii dambe ee maanta ayaa ciidamo ku hubeysan gaadiidka tiknikada waxa ay ka soo weerareen afar jiho magaalada Ceelwaaq halkaas oo dagaal socday muddo nus saac ah uu ka dhacay.

Isgaarsiinta ayaa saaka laga jaray degmada Ceelwaaq hase yeeshee maqribnimadii caawa ayaa isgaarsiinta soo laabatay sida uu sheegey mid ka mid ah dadka degen magaalada Ceelwaaq.

Illaa hadda lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadka hubeysan eek a dhacay magaalada Ceelwaaq iyadoo hore ay u joogeen ciidamo Kenyan iyo Soomaali ah.