september 15 (radiowanlaweyn.com)—Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhigaya dibadbax xooggan, islamarkaana dhabar jab ballaaran ku ah dowladda Kenya.
Shacabkan ayaa aad uga soo horjeeda Qaadka dowladda Kenya ee loo fasaxay in dalka la keeno, waxayna sheegayaan in dowladda ay ka doonayaan iney dib uga laabato go’aankaasi.
Waxay tilmaameen dibadbaxayaasha in aysan ku qanacsaneen in Kenya loo ogolaado Qaad iney keento dalka, waxayna ku baaqeen in arrintaasi wax laga qabto