september 13 (radiowanlaweyn.com)—Dowlada Soomaaliya ayaa haatan shaacisay in fasaxday diyaaradihii qaadka ka keyni jiray dalka Kenya oo dhawaanahaan  hakad ey gelisay.
Fasaxa diyaaradaha kenya ayaa kadanbeyse kulan wada qaateyn madaxweynayaasha soomaaliya iyo kenya waxaana lagu shaaciyay in diyaaradaha kenya dib u howl bilaabi karaan maalinimada beri ah.
Fasaxa diyaaradahaan ayaa imanaayo xili inta badan koofurta soomaaliya laga mamnuucay diyaaradaha qaadka laguna sabababeeyay in gaf gudoomiyaha gobolka Meru kasoo yeeray oo ku aadaneyd in soomaaliland u raadinaayo aqoonsi dowlad ka gaar ah somaliweyn.
Fasaxa diyaaradaha qaadka ayaa imanaayo xili maanta shirka urur goboleedka IGAD oo kafurmay magaalada muqdisho waxaana weli xiran wadooyinka magalada muqdisho