11-sept, (radiowanlaweyn.com)-Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay ogolaan doonto in dadku ay facebook-ga ku isticmaali karaan sawir taariikhi ah oo laga qaaday dagaalkii Vietnam ee sanadkii 1972-dii.
Mar hore ayay shirkaddu ka saartay sawirkaas Facebook-ga kaddib markii uu soo dhigay qoraa reer Norway ah.
Sababta ay shirkaddu u saartay waxay ku sheegtay in ilmaha yari uu qaawan yahay.
Arrintaas ayaase dood ka dhalisay doodrka tifaftir ee Facebook.
Tifaftiraha wargayska Norway ugu balaaran ayaa waraaq furan u qoray chief Mark Zuckerberg oo ah madaxa saree e Facebook isaga mamnuucitaanka sawirkaas ku tilmaamay “ku takrifal awood”
Shirkadda ayaa markaas kaddib sheegtay “in ay dhagaysatay bulshada” ayna qirayaan “ahmiyadda uu sawirkaasi u leeyahay caalamka”.
Ra’iisalwasaaraha dalka Norway ayaa soo dhawaysay go’aankaas sababtoo isla sawirkaas muranka dhaliyay oo ay tijaabo ahaan u galisay Facebook ayaa la tiray.
W\D: ismaaciilmire.
Email: radiowanlaweyn@gmail.com