September 10 (radiowanlaweyn.com)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay Shir madaxeedka IGAD ee todobaadkan ka dhacaya Muqdisho iyo tallaabooyinka la xiriira amniga ee ay dowladdu qaaday.

“Waxaa nagu soo fool leh shir aad iyo aad muhiim ah, madaxdii dalalka IGAD ayaa ku shiraya Muqdisho, arrin weyn  taariikhda markii u horeysay ku shiraan waaye waliba heer madaxweyne, hada ka hor wasiirada arrimaha dibada IGAD ayaa halkan ku shiray”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, isagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna u dulqaataan mudada ay xiran yihiin waddooyinka.

“Cadaw badan oo dhib badan ayaa leenahay, sidaas darteed Amniga Muqdisho aad iyo aad ayaa dowladda u adkeysay, iyadoo kaashaneysa ciidamada AMISOM, amnigaas la adkeeyay waa garan karnaa dadka soomaaliyeed culeys dheeri ah ayuu ku yeelanaa, hadey ahaan laheyd xaga nolosha, dhaq dhaqaaqa dadka iyo isu socodka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo dulqaad ugu baaqay shacabka.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ayaa sheegay in shirkan uu ku soo aaday xilli maalmaha Ciida loo diyaar garoobayo, isagoo xusay in waqti aad u fog la qorsheeyay, isagoo intaa ku daray in shirka uu yahay mid muddo kooban soconayo.

Ciidamada Ammaanka ayaa shalay iyo maanta xiray inta badan waddooyinka Muqdisho, iyadoo loo diiday dhamaan gaadiidka, waxaana dadka ay maalayeen lugahooda