September 8 (radiowanlaweyn.com) iyadoo aad loo hadal hayo go’aankii DF ku joojisay qaadka laga keeno dalka kenya ayaa Xildhibaannada Baarlamaanka Kenya ku matala labada Gobol ee laga soo saaro Qaadka Kenya waxaa ay sheegeen in ay khasaareen Boqol Milyan oo Shilinka Kenya ah shalay iyo doraad oo Qaadka Kenya laga joojiyay Somaliya.
Xubnahaan ka tirsan Baarlamaanka kenya ayaa eedda dusha uga tuuray Guddoomiyaha Gobolka Meru, Peter Munya ,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu faraha la galay arrimo diblomaasiyadeed oo aan ka mid ahayn shaqadiisa.
Waxaa ay ku sheegeen Mr Peter Munya ,in uusan matalin Kenya,iyo Dadka labada Gobo lee laga joojiyay soo saaridda Qaadka.
Xildhibaannada kala ah Florence Kajuju iyo Kubai Iringo,ayaa waxaa ay Dowladda Somaliya ka codsadeen in ay maqasho codkooda kana qaaddo cunaqabateynta la saaray Jaadkii ay u soo dhoofin jireen Somaliya.
Waxa ay Dowladda Somaliya ka dalbadeen in ay codkooda maqasho una dhaga nuglaato,iyaga oo ku tilmaamay in khalad ay aheyd in Guddoomiyaha Gobolka Meru uu faraha la galo arimo Diblumaasiyadeed.
Waxaa ay sidoo kale baaq deg deg ah u direen Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya Amina Max’ed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta,waxaan ay ka codsadeen in ay ka gaaraan dadka ay noloshooda halista ku jirto ee daga Gobollada qaadka laga soo saaro in loo furo suuqii Jaadka ee Somaliya.
Dowladda Somaliya ayaa shegtay sababta qaadka loo joojiyay inay tahay fara gelin Dowladda Kenya ay ku sameysay arimaha Somaliya