September 8 (radiowanlaweyn.com) Waxaa iska soo daba dhacaya xogaha laga helayo shirka madasha qaran ee muqdisho kaga socda hogaamiyaasha Soomaalida waxaana illo ku dhaw kulanka Madasha ay inoo sheegeyn in shirka leesku qabtay arimo ay ka mid yihiin in muqdisho la keeno ciidan itoobiyaan ah oo ka qeybqaata sugida amaanka doorashada.
Sida xogta ay sheegeyso xubno ay kamid yihiin C/weli Gaas iyo Shariif Xasan, ayaa soo jeediyay in ciidankaasi itoobiya loo baahan yahay waxaasa diiday madaxda kale ee shirka Madasha qaran.
Madaxda diidan in la keeno Itoobiyaaan ayaa sheegaya in Muqdisho ay ku sugan yihiin ciidamo AMISOM oo Booliis iyo Milatari isugu jira islamarkaana sidoo kale ay joogaan ciidanka Soomaaliya waa wax aad loola yaabo in ay so jediyaan dad madax ah wixii war ka soo kordha waa idiinla socod siin doonaa hadii ala idmo