Tartamada Naafada oo sanadkaan 2016-ka lagu qabanooyo Magaalada Rio De Janeria ee Dalka Brasil ayaa markii ugu horaysay waxaa ka qeybgalaya Wiil Somaliya u masalaya ciyaaryahaasi.
Wiilkaasi Somaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabaa Farhan Hadaafoow, kaasi oo taratankaasi uga qaybgalaya dhinaca Baaskiilada Naafada, wuxuuna diyaar u yahay inuu tartamo, isagoo tababarro iyo diyaar garowgiisa ugu danbeeyay ee uu ku sameynayo Magaalada Rio.

Xafladda Furitaanka Ciyaraaha Dadka Naafada (Paralympics) ayaa lagu wadaa inay dhacayaan 7-da September Saacadda Muqdisho markay tahay 2am Saqda dhexe.

Farhan Hadaafow wuxuu ordayaa 9-ka September Saacadda Muqdisho mar ay tahay 5:30pm “Galabnimo”, waxaana u wada rajaynayna guul fiican in uu u soo hooyo Dadka iyo Dalka Somaliyeed insha allah.