Agosto 30 (radiowanlaweyn.com)— Kumanaaan Tahriibayaal ah ayaa shalay laga bad baadiyay Badda Mediterranean ee u dhaxeysa Yurub iyo Afrika, iyadoo dadka la bad baadiyay ay u badnaayeen carruur aad u yar.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Talyaaniga ayaa muhaajiriinta ka soo bad baadiyay meel 13-mile u jirta dalka Libiya oo ay ka soo shiraacdeen.

Kooxaha wax bad baadiyay ayaa ku guuleystay in dadkan oo saarnaa doon aad u buuxday ay u tuuraan jaakado, iyadoo mid mid doonyo dheereeya uga soo daad-gureeyay doontii buux dhaafday ee ay saarnaayeen.

Canug yar oo shan maalmood dhalnaa ayaa la soo bad baadiyay, iyadoo markii dambe canugaas iyo hooyadiis iyo labo mataano oo kale diyaarad ay u qaadan dalka Talyaaniga, sababo caafimaad.

Muhaajiriintan ayaa ka soo jeeday dalka Eritrea, waana tiradii ugu badneyd ee dalkaas u dhalatay ee mar qura la bad baadiyo.

Dadkan la bad baadiyay ayaa iska tuuray doontii ay la socdeen, markii ay arkeen doon laga leeyahay dalka Talyaaniga, waxaana ay u dabaalanayeen doonyo lagu daad-gureynayay.

Midowga Yurub ayaa qeyla dhaan xooggan ka muujiyay kororka dadka tahriibayaasha ah ee naftooda ku soo biimeynaya badda Mediteranean-ka.

Talyaaniga ayaa noqday marinada ugu badan ee ay isticmaalaan muhaajiriinta doonyaha macmalka iyo kuwa la buufiyo ka soo raaca dalka Libiya.

Sanadkan kaliya ayaa waxaa la sheegay in tobanaan kun oo muhaajiriin Afrikaan u badan ay gaareen Jaziiradaha Talyaaniga.tahribayal tahribayal1 tahribayal2 tahribayal5 tahribayal6 tahribayal8