Prakash Raj sidoo kalena loo yaqaan Prakash Rai wuxuu dhashay 26 Maarso 1965 haatan waa 51-jir ah atoore, filim sameeye, filim soo saare iyo musal sal sameeye siweyn gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka looga yaqaan.

Prakash Raj wuxuu caan ku yahay sameynta filimka Koonfur Hindiya sidoo kalena filimo badan oo Bollywood ayuu kasoo muuqday waana xidig ka dhaxeeyo dhamaan shirkadaha Hindiya ugu caansan.

Prakash Raj markii hore wuxuu filim jilista kasoo bilaabay shirkadaha reer Kannada leeyihiin isla koonfur Hindiya kadibna Tamil ayuu kusoo biiray asigoo kasoo muuqday filimkiisii kowaad ee Tamil ahaa Duet sanadii 1994.

Wixii markaas ka dambeeyay wuxuu noqday atoore guusha u saaxiibka ah ee filimada Tamil-ka kasoo muuqdo weliba Prakash Raj shirkadiisa filimada maal galiso wuxuu u bixiyay Duet Movies si uu filimkiisa kowaad ugu xasuusto ee Duet la dhaho.

Marka laga soo tago Prakash Raj inuu ku hadlo luqada Kannada uu ah luqadiisa hooyo hadana xidigaan wuxuu si isdaba joog ah oo qalooc ku jirin ugu hadli karaa luqadaha kala ah Tamil, Telugu, Malayalam, Marathi, Hindi iyo English taasina waxay ka dhigtay inuu noqdo jilaaga loogu doonista badan gudaha Hindiya xiligaan.Producer_prakashraj-images

Prakash wuxuu sameeyay aflaan badan asigoo doorar kala duwan ku matalay balse marwalbo waxaa lagu xasuusan doonaa doorarkiisa laadarnimo ee Classic ah.

Prakash Raj abaal marinada kala duwan ee qaaliga ah uu ku guuleestay waxaa ka mid ah  National Film Award for Best Supporting Actor sanadii 1998 wuxuu ku qaatay filimka Iruvar, a National Film Award – Special Jury Award / Special Mention (Feature Film) waxaa lagu siiyay filimka Telugu ah Antahpuram sanadii 198.

National Film Award for Best Actor oo uu sanadii 2009 ku qaatay filimkiisii Kanchivaram ee Tamil-ka ahaa.

Sidoo Prakash asigoo qarash gareeye ah National Film Award for Best Feature Film wuxuu ku qaatay filimka Kannada ah Puttakkana Highway ee sanadii 2011 soo baxay.

Prakash Raj Iyo Bilawgii Noloshiisa Marxaladaha Ay Soo Martay:

Prakash wuxuu ku dhashay magaalada Bengaluru ee gobolka Karnataka 26-maarso sanadii 1965 waxaana waalid u ah aabo reer Telugu ah Manjunath Rai iyo hooyo reer Kannada ah Swarnalatha.

Wuxuuna xidigan kasoo jeedaa qoys dabaqada hoose ah sidoo kalena waxaa xidigan la dhashay wiil lagu magacaabo Prasad Raj oo isagana jilaa ah.

Prakash wuxuu iskuulkiisa kowaad ku dhameestay St. Joseph’s Boys’ High School ee Bangalore ku yaalo kadibna waxbarashadiisa heerka Jaamacad wuxu ku qaatay St. Joseph’s College of Commerce ee isla Bangalore ku yaalo.

Prakash Rai magaciisa wuxuu u badalay Prakash Raj waxaana kula taliyay filim sameeyaha reer Tamil ee lagu magacaabo K. Balachander laakiin ilaa haatan gobolka uu kasoo jeedo reer Kannada xidigan waxay ugu yeeraan Prakash Rai.

Prakash wuxuu guursaday atirishada reer Koonfur Hindiya Lalitha Kumari sanadii 1994 waxayna labadaan lamaane isku dhaleen labo gabdhood iyo wiil oo lagu kala magacaabo Meghana, Pooja, Sidhu.

Laakiin Prakash iyo xaaskiisii waxay kala tageen ama is fureen sanadii 2009 wuxuuna xidigan guursaday gabadha qoobka ka cayaarka filimada sameyso Pony Verma sanadii 2010 dhawaana waxay u dhashay wiil.

Prakash Raj Iyo Waayihiisa Fanka Heerarka Kala Duwan Ay Soo Mareen:

Prakash bilawgiisii hore ee fanka wuxuu kasoo muuqan jiray taxanayaasha TV-yada laga daawado ee reer Kannada sameen jireen.

Laakiin wuxuu madaxa sare usoo qaaday sanadii 1990 asigoo door wacan ku yeeshay filimkii Muthina Haara ee Kannada ah kadibna waxaa u xigay inuu sameeyay filimo Kannada ah oo siweyn u hirgaleen sida Nishkarsha, Mithileya Seetheyaru iyo kuwo kale.

Prkash Rai kadib wuxuu usoo dalacay inuu kasoo muuqdo filimada Tamil-ka ah waxaana filimkiisii kowaad ee Tamil ahaa hogaamiye kaga dhigay Director K. Balachander wuxuuna u dhiibtay filimkii Duet ee sanadii 1994 soo baxay.prakashraj-stills

Wixii markaas ka dambeeyay Prakash Raj wuxuu aad ugu mashquulay sameynta filimada Tamil-ka ah balse xidigan sanadii 1997 ayuu Kannada dib ugu laabtay asigoo sameeyay filimkii hirgalay Nagamandala sameeyay.

Prakash abaal marinta National Film Awards wuxuu ku qaatay filimkii Iruvar ee iska lahaa Director Mani Rathman soona baxay sanadii 1998 wuxuuna ahaa filim Tamil ah.

Sidoo kale Prakash filimo Malayalam ah ayuu sameeyay asigoo kasoo muuqday aflaan caan ah oo ay ka mid yihiin The Prince, Indraprastham and Oru Yathramozhi, Pandippada iyo Dilip wuxuuna filimka Malayam-ka ah sameeyay intii u dhaxeesay 1996 ilaa 2005.

Prakash Raj kadib shirkada Telugu ayuu ku biiray asigoo noqday jilaa dhamaan shirkadaha Koonfur Hindiya ka dhaxeeyo.

Waxaana lagu xasuustaa filimkiisii Telugu ahaa Antahpuram ee sanadii 1998 soo baxay in Prakash uu ku qaatay abaal marinta National Film Awards bilad qaas ah oo ay gudiga siiyeen (Special Jury Award / Special Mention).

Prakash Raj heerkii ugu sareesay ayuu ka gaaray dhamaan shirkadaha Koonfur Hindiya ugu waa weyn ee uu la shaqeeyay waana xidig siweyn loo jecel yahay.

Prakash Raj boorsadiisa Bombay ayuu usoo qaatay wuxuuna sanadii 2009 bilaabay inuu doorar waa weyn ku yeesho filimada Bollywood-ka ah.

Filimkii Wanted ee Salman Khan hogaamiyaha ka ahaa ayuu laadar ka noqday sanadii 2009 wixii markaas ka dambeeyay Bollywood-ka ayuuba awood ku qabsaday asigoo noqday laadar laga dambeeyo.

Filimada uu doorka laadarnimo ee Classic ah ku matalay kuwaas oo Hindi ah waxaa ka mid ah  Singham (2011), Mumbai Mirror (2013), Policegiri (2013) iyo kuwo kale oo aad u badan.

Prakash Raj Iyo Marka Uu Director Isku Badalay:

Jilaagan la wada jecel yahay sanadii 2010 ayuu filim sameeya isku badal wuxuuna alifay filimka Kannada ah ee lagu magacaabo Naanu Nanna Kanasu sidoo kalena soo saare ayuu ka ahaa wuxuuna gaaray guul taariikhi ah asigoo tiyaatarada saarnaa 125-maalmood sidoo kalena abaal marinta Filmfare ee Director-ka ugu wanaagsan ayuu u tartamay.

Kadib sanadii 2014 wuxuu Director ka noqday filimka labada luqadood Tamil iyo Telugu lagu daawaday Dhoni sidoo kalena filimo badan oo luqado kala duwan lagu daawaday ayuu sameeyay oo ay ka mid yihiin  Oggarane, Ulavacharu Biryani, Un Samayal Arayil iyo kuwo kale.

Sidoo kale Prakash Raj waa filim maal galiye leh shirkadiisa Koonfur Hindiya ka dhex muuqato waxaana ka mid ah filimada uu qarash gareeyay Dhaya (2002), Naam (2003), Azhagiya Theeye (2004), Kanda Naal Mudhal (2005), Poi (2006), Mozhi (2007), Velli Thirai iyo Abhiyum Naanum oo 2008 soo wada baxeen iyo filimkii Inidhu Inidhu oo 2010 ahaa dhamaantooda waa Tamil.

Prakash filimkiisii ugu horeeyay ee aan Tamil ahayn oo uu xidigan maal galiyay wuxuu ahaa Naanu Nanna Kanasu oo Kannada ahaa.

Filimkiisii kowaad ee Telugu ahaa ee uu Prakash maal galiyay wuxuu ahaa Payanam iyo Gaganam sanadii 2011 waxaana la sameeyay Super Star Nagarjuna Akkineni.

Ilaa haatan Prakash waa filim soo saare Koonfur Hindiya siweyn uga dhex muuqdo mar walbana sameeyo filimo fariin wacan xambaarsan.

Prakash Iyo Hawlaha Samafalka Ee Uu Sameeyay:

Prakash Raj wuxuu haatan ka warqabaa sidoo kalena daryeelaa dadka saboolka ah ee ku nool degmada Mahabubnagar kana tirsan gobolka Telangana sidoo kalena marwalb hawlaha samafalka ee Koonfur Hindiya siweyn ayuu kaga dhex muuqdaa ee dadka gar gaarka u baahan wax loogu qabto06prakash-raj3-seerabtaa prakash-seerabtaa