Agosto 29 (radiowanlaweyn.com)-Taliyaha Ciidamada Israel ee magaalada Al-kahliil Iina Ilyahu, ayaa qiray in in hawlgal Ciidamo isago ka amar qaataan hawlgal ay ka fuliyeen Daanta Galbeed ay ku dileen muwaadin Falastiin ah oo la oran jiray  C/Fataax Al-shariif.

Dilka muwaadinkaas Falastiin u dhashay ayaa muran iyo dood badan dhalisay, kadib markii qaabkii loo dilay lagu soo bandhigay muqaal Video ah, waxaana lagu arkay C/fataax Alshariif isagoo meyd h oo dhulka yaallo.

Taliyaha Ciidmadiisa lagu edaynayo inay dilka geysteen, ayaa falkaasi ku qirtay maxkmad horteeda kadib markii la horkeenay Askerigii dilkaasi geystay.

Askeriga lagu eedaynayo dilka,ayaa sida ka muuqatay muqaalka Video-ga waxa u muwaadinkaasi  rasaas uga dhuftay madaxa goobtiin uu ku quurbaxay.