Madaxweynahya Turkiga Rajab Dayib Ordagn, ayaa sheegay inuu si guud dalkiisa ula dagaalmayo Kurdiyiinta hubeysan, si la mid ah dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish oo isku magacaaawday Dawla Islmiya.

Isagoo kumnaan qof kula hadlayay Mgalada Gaazi oo Todobaadkii tagay ka dhacay Qaraxyo iyo ismidaan in ka badan 50 qof ay ku dhinteen, ayuu sheegay in Ciidamada Qalabka sida  ee Turkiga  ay goor sii horeysay dileen 25 ka mid ah dagaalamayaasha hubeysan ee Kurdyiinta xiligaasi oo ku beegneyd malintii Shanaad oo ay Dawladiiso  Oloolaha howlglka Ciidan ku qaaday Xuduudda ay la wadaagto Suuriya.

Dhanka kale Madaxweynaha Turkiga ayaa difaacay  hawlgalka Mileteri Dawladiisu ay ku weerartay gudaha dalka Suuriya, wuxuuna cadeeyay inay dagalkaasi ku wajahan la dagaalanka argagixisada sii wadayan ilaa ay ka dabargooyaan kooxaha xagjirka ah.

Wuxuuna intaa raaciyay in Xukuumadda Ankara ay doonaysa  in Kurdiyiintu Ciidamadoodo kala baxan Suuriya  ilaa qorax ka soo baxa wabiga Furaat,sababtoo ay ” ayuu yiri”  waxay gacan saar la leeyihiin  ama qeyb ka yihiin  Xisbiga shaqaalaha Kurdistaanka oo ku eedayay inay xiriir la leeyahay Daacish.