Agosto 29 (radiowanlaweyn.com)-Wararka ka imaanaya Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal u dhexeeya Ciidan Taabacsan Wasiirka Amniga Jubbland iyo Maleeshiyo Degaanka ah uu Magaalada Ka Qarxay.
Dagaalka ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac,waxaana innta la og yahay ku dhintay illaa Saddex Ruux,halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 12 kale.
Magaalada ayaa la sheegay in laga saaray Dableeydii Dagaalka la galay Ciidanka Jubbaland,iyadoo Dagaalku uu ka sii soconayo Duleedka Magaalada.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu Salka ku hayo Muran dhanka Maamulka ah,iyadoo ay socdaan waan waan lagadhex wado labada dhinac wixii war kasoo kordha wan idinla socod siin donaa