Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed iyo wafdi balaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baraawe ee caasimada maamulka Koofur Galbeed.

Madaxwayne Shariif Xasan ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaray xarunta Madaxtooyada Maamulka ee dhowaan Dhidibada loo taagay.

Ammaanka Guud ee magaalada Baraawe ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo wafdiga Madaxweynaha Koofur Galbeed ay kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Magaalada Caasimada ah ee  Baraawe ayaa in muddo ah waxaa ku socdo dhisme aad u ballaaran oo lagu samaynayo Madaxtoo7ada Maamulkaas.

Waxana suura gal ah in uu usoo wareego Maamulka Koonfur galbeed Magaalada Barawe ee Xarunta Rasmiga ah ee maamulkaas.

Ugu dambeyn Maamulka Koon fur galbeed ayaa hada Xaruntiisa tahay Magaalada magaalada Baydhabo oo ah Mid Kumel gaar ah.