Hotel kuyaala Degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta laga helay meydka haweeney la sheegay in lagu dhax dilay qol kamid ah dhismaha Hoteelkaasi.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Hotelka oo kuyaala Xaafada Jiiro-Garoob ee Degmada Yaqshiid saakay lagu arkay meydka Haweeney la dilay oo dhax yaala mid kamid ah qolalka Hoteelkaasi.
Haweeneyda la dilay iyo nin la socday ayaa la sheegay in shalay kireesteen qol kamid ah Hoteelkaasi ayna xalay halkaasi wada joogeen, waxaana saakay ninkii hotelka kirestay la sheegay in uu kaligiis halkaasi ka tagay .
Gabar degan meel ku dhaw Hotelka ay arintan ka dhacday ayaa Idaacad kutaala Muqdisho u sheegtay in saakay la arkay Meydka Haweeney loo maleenayo in ceejo lagu dilay, waxa ay sidoo kale tilmaantay in afka gabadha la dilay laga soo saaray suuf.
Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray Hotelka Meydka lagu arkay waxa ayna halkaasi kasoo qaadeen meydka oo la geeyay Xarunta Dambi baarista CID-da, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada booliiska.
Wali lama oga sababta dilkan ka dambeysa waxaana goobta isaga baxsaday ninka la tuhmayo in uu dilkaasi ka dambeeyay, waxa ayna sheegeen maamulka Hotelka in ninkaasi aysan aqoon u laheyn kaliyana ay hayaan numberka uu lacagta uga soo diray.
Hoteela magaalada Muqdisho ayaa qaarkood dadka laga kireeyaa iyaga oon la hubin shaqsdiyada dadka degaya iyo waxa ay yihiin, waxaana mararka qaarkood gudaha Hoteeladasai ka dhaca falal dambiyeedyo.