Warar Soo baxaya aya sheegaya in Hogaamiya yaasha Shirka madasha Wada-tashiga Qaran la filayaa in ay dhimaan tirada ergooyinka soo xuleysa xildhibaanada, iyagoo wali la isku afgaran la’yahay lacagaha ku baxaya doorashooyinka.

Kulamo xiriir ahaa oo Madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Hey’adaha deeq bixiyeyaasha ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

Arrimaha la isku haayo ayaa waxaa ka mid ah qaabka loo maamulayo dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, iyadoo xubnaha Beesha Caalamka ay dalbanayaan in la cadeeyo dhaqaalaha ku baxaya hanaanka doorashooyinka dadban.

Arinta kale ee leesku haayo ayaa waxaa kamid ah xareynta ergada 14025 iyo dhaqaalaha ku baxaya, waxaa la isku hayaa cida bixineysa dhaqaalaha intaas la eg ee ku baxeysa xareynta ergooyinka.

Madaxda Ugu Saraysa Dlka ayaa dhawaan waxa ay la kulmeen Masuuliyiinta Srsare ee hay’ada UNDP oo ay ku jirto Helen Clark oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya.

Danjire Michel Keatin ayaa sidoo kale la kulmay Madaxda dowladda iyo Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal, kuwaasoo uu kala hadlay qorshayaasha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya.

Ilo Muhiim ah ayaa sheegaya in ka Caga-jiideyso Beesha Caalamka in ay dhaqaalo ku bixiso doorashooyinka ayaa laga yaabaa inay keento in wax badan laga bedelo go’aanadii horay loo gaaray, waxaana ay u badan tahay in la dhimo tirada ergada soo xuleysa Xildhibaanada.

Shirkii Madasha ee ugu dambeeyay ayay xubnaha Beesha Caalamka ku soo bandhigeen in maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ay bixiyaan qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, taasoo ay diideen xubnaha dowlad goboleedyada